Wasiir Fiqi oo kulan la qaatay Safiirka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya.

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa maanta kulan la yeeshay Safiirka Jamhuuriyadda Dadka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya, Danjire Wang Yu.

 

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga labada dal ee dhinacyada kala duwan, guulaha Ciidamada Qalabka Sida ay ka gaareen furimaha la-dagaallanka argagixisada, iyo doorka saaxiibada Soomaaliya ee taageerada iyo awoodsiinta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

 

Sidoo kale, labada dhinac ayaa ka wada hadlay muhiimadda ay xasilloonida Soomaaliya u leedahay nabadda iyo amniga guud ee gobolka Geeska Afrika.

 

Ugu dambayn, Wasiirka ayaa hambalyo u diray Dowladda iyo Shacabka Jamhuuriyadda Dadka Shiinaha, gaar ahaan Safaaradda Shiinaha ee Soomaaliya, munaasabadda Sannadka Cusub ee Shiinaha.