Wasiirka Wasaaradda Amniga maamulka Galmudug Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay in maamulkooda uu dadaal badan ku bixinaayo sidii Shirka ka socda Magaalada Dhuusamareeb loogu soo dari lahaa Madaxda maamulaa Puntland iyo Jubbaland.
Wasiir Fiqi ayaa sheegay in Galmudug aysan ka bixin dhexdhexaadnimadii ay isku keentay dhammaan Madaxda maamulada.
“Madaxda Galmudug waxay dadaal xooggan iyo xiriiro joogto ah ku bixinayaan sidii Shirka lagu gorfaynayo arrimaha siyaasadda dalka looga soo wada qeybgali lahaa” ayuu yiri Wasiir Fiqi.
Waxaa uu intaasi kusii daray “Galmudug gogosha taalla waa mid Soomaaliyeed, kuna soo aaday waqti xasaasi ah oo kalsooni xumo badani ay jirto, balse marxalada dalku marayo iyo waqtiga la joogaba waxay waajibinayaan In isu tanaasul, wadatashi iyo wada-oggol looga gudbo lana wada yimaado Shirka Dhusamareeb 3.
Ugu dambeyntii Fiqi ayaa xusay “Dawladda Galmudug marka laga reebo mawaaqifteeda ka maamul ahaan oo ay xaq u leedahay, waxay u dhexaysaa madaxda ku ballantay Shirka Dhusamareeb 3 mana jirto dhinac ay u janjeerto iyo dhinac ay ka xaglinayso”



