Wasiir Faratoon”Inagu Maamul ma nihin ee waxaynu nahay Dal iyo Dawlad”

Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir  Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland ayaa ka hadlay wada hadalada Soomaaliya iyo Somaliland iyo sababaha hor taagan in xal buuxa la gaaro.

Waxaa uu sheegay in dowladda dhexe ee Soomaaliya ay caqabad ku tahay tilaabooyinka horumarineed ee Somaliland, islamarkaana ay cunaqabateyn saartay tan iyo markii la doortay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Wasiir Faratoon wuxuu sheegay inaanay Soomaaliya diyaar u ahayn wada hadalka Somaliland.

“Somaliya diyaar uma aha wada hadalada, mana doonayso inay inala hadasho, daacadna kama ah, maxaa yeelay Somaliya waxay ogtahay inay wada hadalada Somaliland wax badan ku waayeyso iyo inaynu ka gar helayno, madaama aynu ka gar leenahay, dood kasta oo ay ku doodo, iyo si kasta oo ay noo sheegantana wax u suurtagalaya maaha, ee waxay ka baqaysaa inay si toos ah inoola hadasho”. ayuu yiri Wasiir Faratoon.

Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland sidoo kale ka hadlay baaqii ka soo yeeray Madaxweynaha maamulka Puntland oo ku aadana in wadahadalada labadda dhinac lagu qabto Garowe.

“Inagu Maamul ma nihin ee waxaynu nahay Dal iyo Dawlad, Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland waa ku khalad inuu inaga Maamul inagu sheego, marka uu leeyahay Soomaaliya iyo Somaliland ayaan wada hadashiinayaa, oo Garowe ayaan Shir ugu qabanayaa si loo dhamaystiro Dastuurka qabyada ah, waxaan leeyahay marka hore adigu waxaad ka mid tahay Soomaaliya, Maamulkoogu waa Maamul Goboleed ka tirsan Soomaaliya” ayuu yiri Mar kale.