Muqdisho-RisaalaFM- Wasiirka arrimaha dibadda xukuumadda federaalka Soomaaliya Amb. Axmed Ciise Cawad ayaa Idaacadda Risaala uga waramay arrimaha ay magaalada Muqdisho u soo gaareen wafdiga Eritreaa.
Wasiirka Arrimaha Dibadda dalka Eritrea Mudane Cusmaan Saalax iyo Lataliyaha Madaxweynaha Ereteriya Mudane Yemane Gebreab ayaa saaka magaalada Muqdisho waxaa ku soo dhaweeyay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.
Mudane Cawad ayaa wuxuu sheegay waxyaabaha ay wafdigan u yimaadeen Muqdisho inay ka mid tahay inay ka mahad noqaan booqashadii Madaxweyne Farmaajo ku tagay dalka Eritrea, isaga oo sidoo kale tilmaamay in Madaxda Qaranka ay kala hadli doonaan xiriirka labada dal.
Wuxuu sheegay in maanta wafdiga si weyn loo soo dhaweeyay, sidoo kalena magaalada Muqdisho ay booqasho ku joogi doonaan Laba maalmood.
Wasiir Cawad ayaanan si cad uga jawaabin su’aal aan weydiinay oo aheyd in wafdigan ay hordhac u yihiin booqasho Madaxweynaha Eritrea uu ku imaanayo Muqdisho, maadaama ay isa soo tarayeen wararka arrimahaasi ku saabsan.
Wariyaha Risaala Maxamed Cabdi ayuu khadka telefoonka ugu waramay:-



