Wasiir Cawad oo maanta ka hadlaya Arrimaha Kenya

Wasiirka Arrimaha dibadda Xukuumadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa lagu wadaa in Saacaddaha soo socda uu qabto Shir Saxaafadeed uu ku faahfaahin doono xaaladda Arrimaha dibadda Soomaaliya.

Ilo ku sugan Wasaaradda Arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa Risaala u xaqiijiyay in Wasiir Cawad uu ku dhawaaqi doono Go’aamo ka dhan ah dowladda Kenya.

Dowladda Soomaaliya ayaa u yeertay Safiirkii u qaabilsanaa dalka Kenya Maxamuud Axmed Nuur.

Wixii kusoo kordha kala soco Risaala.net