Wasiir Beyle oo ka qeyb galay Shirka deyn cafinta Soomaaliya

Shir dhinaca Khadka Internet-ka ah ee Aalada (Zoomka) una dhaxeeya mas’uuliyiin ka tirsan Bangida Adduunka iyo IMF iyo Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa furmay.

Shir ayaa waxaa looga hadlayaa dib u eegis lagu sameeynayo wixii ka qabsoomay Barnaamijka (ECF) ee hanaanka deynCafinta Soomaaliya.

Shirka ayaa muddada Todobaadka ah ee uu socdo sidoo kale  diiradda lagu saarayaa saameynta Covid-19 ee dhaqaalaha Soomaaliya iyo qaabkii wax looga qaban lahaa.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay in ay si wadajir ah dib ugu eegayaan dhameystirka shuruudihii ugu dambeeyay ee hanaanka deyn Cafinta.

” Tani waa fursad weyn oo inoo ogolaaneysa in aan Adduunka kala doodno fursadaha horumarineed ee Soomaaliya ayuu yiri” Wasiir  Cabdiraxmaan Beeyle.

Soomaaliya ayaa Afartii sano ee la soo dhaafay waxaa ay dadaal ugu jirtay sidii looga cafin lahaa deymaha ay ku leeyihiin qaar kamid ah dalalka Caalamka, iyada oo dowladaha qaarkood cafiyeen kuwana ay dhawaan ka cafin doonaan.