Wasaaradda Maaliyadda oo Muqdisho ku qabatay Shir looga hadlay Doorka Ganacsatada ee Horumarintadhaqaalaha dalka

Muqdisho – Waxaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdishokulan ku saabsan doorka Ganacsatada ee ay ku leeyihiinhorumarinta dhaqaalaha dalka, kaas oo ay soo agaasintayWasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliyaayaa looga hadlay arrimaha horumarinta dhaqaalaha, bixintacanshuuraha iyo dib u habaynta hannaanka Maaliyadda dalka.

Kulanka ayaa aad loogu fallanqeeyay kaalinta ay ganacsataduku leeyihiin horumarinta dhaqaalaha iyo canshuur bixinta iyosidii loo horumarin lahaa wadashaqeynta kala dhaxeysaWasaaraddaha Maaliyadda iyo Ganagsiga.

Munaasabadda looga hadlayay horumarinta dhaqaalaha dalkaayaa waxaa ka qeybgalay Wasiirka Wasaaradda MaaliyaddaCabdiraxmaan Ducaale Beyle, Wasiir ku xigeenkaWasaaradda Maaliyadda Cabdullahi Sheek Cali Qalocow, Wasiir dowlaha Wasaaradda Maaliyadda, Maxamuud XayirIbraahim, Wasiir Dowlaha Wasaaradda Ganacsiga iyoWarshadaha Cabdulkaadir Shariif Sheekhunaa Maye, Madaxda rugta ganacsiga Soomaaliya iyo qeybaha kale duwan ee ganacsatada iyo bulshada.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr. Cabdiraxmaan DucaaleBeyle ayaa uga mahadceliyey ganacsatada Soomaaliyeed ookaalinta ay ka qaateen horumarinta dhaqaalaha iyo doorka ay ku leeyihiin in dalka uu heerkaan soo gaaro maanta, isagoosidoo kale si gaar ah ugu mahadceliyey Bangiga HormarintaAfrika (AFDB)

” Isku imaatinkaan ama shirkaan muhiimada uu leeyahaywaxa waaye u mahadcelin in aan u mahadcelino ganacsatadaSoomaaliyeed oo runtii dalkaan halka uu maanta tagan yahaysoo gaarsiiyay, iyo in aan iswareysano oo wixii su’aalo ooshacabku qabo uga jawaabno. waxaan aad ugu mahacelinyaaAfrican Development Bank (Bangiga Horumarinta Afrika) ooarrimahaan naga saacida ama naga taageeraa. In la iskuyimaado, la wadahadalo, wax la is weydiiyo, wax la isla gartoaasaaska horumarka weeyaan”. Ayuu yiri WasiirkaMaaliyadda Dr. Cabdiraxmaan Beyle.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegay in ay tahay muhiim in laga faa’iidaysto Kheyraadka ku jiradalkeenna, sida shidaalka, Gaaska iyo macdanta.

” Waddanka Soomaaliya haddii uu Yurub ku oolilahaa waxaauu noqon lahaa dalka ugu wayn ee Ruushka xigga ayuu noqonlahaa. Xeebaha ugu dhaadheer Africa ayaa Alle na siiyay. 333 oo KM oo bad ah ayaan leenahay oo lays isku raacsan yahayin Kheyraadkeedu kan ugu badan yahay adduunyada marka la eego bad nuucaas ah”.

 

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Maaliyadda XukuumaddaFederaalka Soomaaliya Prof. Cabdullahi Sheek Cali Qalocowayaa sidoo kale sheegay in ganacsatada Soomaaliyeed ay door muhiim ah ku leeyihiin wax soo saarka iyo horumarintadhaqaalaha dalka.

 

Wasiir dowlaha wasaaradda Ganacsiga iyo WarshadahaCabdulqaadir Shariif Sheekhuna Maye ayaa isna boogadiyeydoorka ganacsatada ee dhaqaalaha dalka.

Kulankaan ayaa qeyb ka ahaa Barnaamijyada WasaaraddaMaaliyadda ee la falgalida ganacsatad iyo qeybaha kale duwan ee bulshada oo gacan ka geesanyey BangigaHormarinta Afrika (AFDB), si kor loogu qaado dhaqaalahaiyo wacyigellinta wax soo saarka dakhliga dalka iyo bixintacanshuuraha.