Wasaaradda Caafimaadka oo amartey in la siidaayo dad looga shakisnaa COVID 19

Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Soomaaliya ayaa amartey in la siidaayo Afar Ruux oo looga shakisnaa inay qabaan Cudurka Coronavirus,kuwaas oo lagu karantiiley isbitaalka UN/AMISOM ee Muqdisho.

Dadkaan la fasaxay ayaa waxaa ku jirey mid kamid ah oo baaritaan lagu sameeyey laga helay Corona-virus,hayeeshee tira laba jeer ah oo baaritaan lagu sameeyey laga waayey Cudurka.

Qoraal kasoo baxey Wasaaradda Caafimaadka kuna qoran luuqada English-ka ayaa lagu shaaciyey Magacyada Afarta qof oo dhamaantood la karantiiley laga waayey Cudurka Coronavirus.

Dadka ayaa Magacyadooda waxaa ay kala yihiin

1: Axmed Yuusuf Yaasiin

2: Cabdi Caiis Cabdi Risaaq Cusmaan

3: Ducaale Jaamac Maxamuud

4: Ibraahim Maxamed Yaasiin.