Muqdisho-RisaalaFM- Qarax loo adeegsaday gaari NOAH ah oo walxaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa duhurnimadii maanta waxaa lala eegtay gaari Cabdi Bille ah oo ay wateen ciidan ka tirsan kuwa Bancraf-ta, kaasi oo ka dhacay degmada Afgooye gaar ahaan aagga Baar Ismaaciil.
Al-shabaab oo sheegtay masuuliyadda weerarkan ayaa waxa ay tilmaameen in ay qaraxaasi ku dileen ilaa 12 askari oo ka tirsan kuwa xoogga dalka, kadib markii gaari NOAH ah uu isku qarxiyay goob ay ku sugnaayeen ciidanka.
Wasiirka amniga xukuumadda federaalka Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow (Ducaalle) ayaa sheegay in ciidanka dowladda ay fashiliyeen gaariga qaraxa sida ee uu kaxeynayay ninka ka tirsanaa Al-shabaab, wuxuuna tilmaamay ujeedka inuu ahaa in shacabka lagu gumaado.
Sidoo kale Wasiirka amniga ayaa sheegay in gaariga markii ay ku adkaatay in uu dhaafo goobta ay ku sugnaayeen ciidamada oo aad u dhiiranaa, una diyaarsanaa ka hortagga falalka ay soo maleegaan Shabaab, uu ugu dambeyn kaligiisa halkaasi ku qarxay, wuxuuna Wasiir Islow sheegay in uusan jirin khasaare halkaasi ka dhashay marka laga reebo ninkii is qarxiyay oo halkaasi ku geeryooday.