Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa si loo dardargaliyo hawlgallada dib u xoreynta iyo dadaalada socda ee dalka lagaga saarayo Alshabaab waxa uu Xiddigle Abuukar Maxamed Xasan Maxamuud u magacaabay Afhayeenka Cusub ee Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya.
Wasiirka ayaa Afhayeenkii hore ee Wasaaradda Jeneraal, Cabdullaahi Cali Caanood kaga mahad-celiyay, kuna ammaanay shaqadii wanaagsanayd ee uu soo qabtay muddadii uu xilka hayay.
Sidoo kale, Wasiirka ayaa Afhayeenka Cusub kula dardaarmay dardargalinta waajibaadka shaqada Qaran ee loo igmaday.



