Sida Idaacadda Risaala ay wararka ku heleyso koox hubeysan ayaa galabta orax dhicii Ceelasha Biyaha ku dilay wariye ka dibna isaga baxsaday goobta ay dilka ka geysteen.
Wariyaha la dilay ayaa la sheegayaa in uu ka tirsanaa Idaacadda Daarul Sunna oo ku taalla Ceelasha Biyaha sidaasi waxaa Risaala u sheegay mid kamid ah dadka deegaanka uu dilka ka dhacay.
Wariyaha la dilay ayaa Magaciisa lagu sheegay in uu ahaa Cabdullaahi Mire Xaashi waxaana uu geeriyooday ka dib markii dableyda ay risaas ay kaga fureen qebta sare ee jirkiisa.
Ilaa iyo haatan ma jirto cid sheegatay masuuliyada dilka wariyaha lagu dilay Ceelasha Biyaha.
Wixii warkaan kasoo kordha halkaan kala soco.



