Maleeshiyaad hubeysan ayaa duleedka degada balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe waxaa ay ku rasaaseeyeen gaari ay saaranayeen dad Shacabka,waxaana rasaastaas ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Gaariga la rasaaseeyay oo ahaa Nooca Soomaalida u taqaano Homeyda ayaa xilliga la rasaaseeynayay waxa uu marayay Tuulada Xoonshooleey,waxaana la xaqiijiyay in ilaa saddex Ruux ay falkaasi ku geeriyoodeen tira kalena ay ku dhaawacen
Mid ka id ah Ehelada ddka Gariga lagu rasaaseeyay ayaa sheegay in maleeshiyaadka ay marka hore darawalka Gaariga ku amreen in uu joojiye,hayeeshee uu ka dhega-adeegay sidaasina rasaasta loogu furay.
Waxaa uu sheegay in Saddex ruux oo mid ka mid ah ay aheyd haweeneey ay ku geeriyoodeen rasaasta lagu furay gaariga halka hal ruux oo ku dhaawcmay loo soo qaaday dhinaca Magalada Muqdisho.
Maamulka Gobobolka Shabeellaha Dhexe iyo kana degmada Balacad intaba weli kama hadlin falkaasi khasaaraha dhaliyay ee gaaariga ay saarnaayeen dadka Shacba ah lagu rasaaseeyay.



