Wararkii ugu dambeeyay Xaaladda Dhuusamareeb

Idaacadda Risaala ee Magalada Muqdisho

Xaalad kacsanaan ah ayaa Caawa ka jirta Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug ka dib markii maanta Ahlusunna ay ku dhawaaqday in ay ka baxday heshiiskii ay la gaartay dowladda dhexe ee Soomaaliya.

Waxaa Caawa Magaalada ka socda dhaqdhaqaaqyo Ciidan oo ay waddaan Ahlusunna , waxaana sidoo kale Magaalada ku sugan Ciidamo dowladda Soomaaliya ay ka qaaday Magaalada Muqdisho.

Kulan deg deg ah  oo ay iskugu  yimaadeen odayaasha dhaqanka Magaalada Dhuusamareeb waxa ay  ka wada hadleen kaalintooda ku aadan xiisadda siyaasadeed ee ka soo dhex cusboonaatay Ahlu-Sunna iyo Dowladda Federaalka.

Guddi ka kooban 11 xubnood ayey iska xuleen odayaashu, waxeyna guddigaas la kulmi doonaan dhinacyada Ahlu-Sunna iyo dowladda.

Arimaha loo xilsaaray guddigaas waxaa ugu horeeya inay ogaadaan sida uu u dhignaa heshiiskii ay wada gaareen Ahlu-Sunna iyo Dowladda, wixii intaas ka dambeeyan waxaa loo kuur gali doonaa cidda uu ka dhaqan gali waayey heshiisku.