Jillib-RisaalaFM- Warar laga helay Hay’adaha ammaanka dowladda federaalka ayaa tilmaamaya weerar ka dhacay maalintii Talaadada nawaaxiga magaalada Jilib lagu bartilmaameedsaday sarkaal sare oo ka tirsan ururka Al Shabab.
Hawlgalkan oo qaatay saacado badan ayaa waxaa fuliyay ciidamo Soomaali ah iyo kuwo cadaan ah oo iskaashi ay leeyihiin, kuwaasi oo inta aanay hawlgalka fulin sameeyay sahmin.
Ilo xog ogaal ah oo soo xiganaya saraakiil Millatari ah ayaa sheegay sarkaalka Shabaab ka tirsan ee la beegsaday in lagu magacaabo Bashiir Maxamed Qoorgaba oo ka mid ah madaxda dhinaca ciidanka ee Al-Shabab.
Sarkaalkaasi ayaa ilo wareedyadu aaminsan yihiin inuu ka badbaaday weerarkaasi, inkastoo wararka qaar sheegayaan inuu soo gaaray dhaawac, waxaase hay’adaha amnigu sheegayaan inuu ku dhintay weerarka daraawalkii Bashiir Qoorgaab.
Ciidamadan ayaa la aaminsan yahay inay howlgalka ka qaadeen Magaalada Kismaayo ee Caasimadda KMG ah Maamulka Jubbaland, halkaasi oo Saldhig ay ku leeyihiin ciidamada Mareykanka iyo kuwa Soomaalida ah ee sida gaarka ah u tababaran.
Hawlgalkan qorsheysan ee Talaadadii ciidamada ay ku qaadeen nawaaxiga magaalada Jillib ayaa qayb ka ah hawlgalo sida la sheegay dhawaan gobolka ka bilaaban doona.