Wararkii ugu dambeeyay wada-hadallada Jabuuti

Wararka laga helayo dalka Jabuuti ayaa waxaa ay sheegayaan in aan weli wax warbixin ah laga soo saarin wada-hallada u socday Guddiyada ka kala socday Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Soomaaliland,iyada oo qorshuhu ahaa in Shirka Galabta la soo geba-gabeeyo.

Wararka ayaa waxaa ay sheegayaan in lagu kala tagay shirk,kadib markii dhinacyada ay isku mari waayeen qodobo ay kamid yihiin in la isu furo isu socodka labada dhinac oo ay Soomaaliland joojiso xariga iyo dhibaateynta dadka Soomaaliland ee u soo safra Koofurta Soomaaliya, sida Ganacsiga Fanka iyo Arrimo kale oo la sheegay inay diideen Guddiga ka socda dhinaca Soomaaliland.

Wasiirka Xannaanada Xoolaha Somaliland Siciid Sulub Maxamed, ayaa u sheegay Warbaahinta ka howlgasha degaannada Soomaaliland in aanay jirin ilaa hadda wax Guddiyadaa farsamada ee shirka Jabuuti ay ku heshiiyeen.

Mas’uuliyiinta ka tirsan Dowladda Jabuuti ee shirka ku sugan ayaa waxaa ay isku dayayaan in ay sameeyaan isku soo dhawaansho dhinacyada ah,hayeeshee weli guul aysan ka gaarin.