Wararkii ugu dambeeyay Shabaab oo weeraray Waajid

Shabaab, ayaa lagu soo waramayaa in xalay saqdii dhexe dagaal qorsheysan ay ku qaadeen Degmada Waajid ee Gobolka Bakool oo gacanta ku hayaan ciidamada Koonfur Galbeed iyo ciidamada Itoobiya.

Al-Shabaab ayaa Magaalada waxa ay ka weerareen dhawr jiho, waxaana Magaalada ka dhacay dagaal xoogan oo sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac ah oo soo kala gaaray labada dhinac.

Dadka degaanka waxa ay sheegayaan in Shabaab ay u suuragashay inay soo galaan xaafaddo ka mid ah magaalada Waajid, kadib markii ay dib u soo gurteen ciidamada Maamulka Koonfur Galbeed.

Sarkaal ka tirsan ciidamada dowladda oo ku sugan Degmada Waajid, ayaa sheegay inay iska caabiyeen dagaalka Shabaab ay soo qaadeen, isaga oo intaasi ku daray ciidamada Koonfur Galbeed dagaalkaasi inay guul ka gaareen, Shabaabna khasaare ay ku gaarsiiyeen.

Sarkaalkaan ayaa sheegay saddex dagaalyahan oo Shabaab ka tirsan dagaalka inay ku dileen, dhankoodana khasaare dhaawacyo ah uu soo gaaray.

Shabaab oo xaafaddo ka mid ah Magaalada galay, ayaanan u dhawaan Saldhiga ciidamada Itoobiya ay ka degan yihiin Magaalada Waajid gudaheeda, maadaama ciidamada Itoobiya ay ridayeen qoryo culus oo Shabaabka ay isaga caabinayeen.

Xoogaga Shabaab ayaa baraha Internet-ka ee wararka ay ku faafiyaan waxa ay ku sheegteen dagaalkaasi inay guulo ka soo gaareen, inkastoo ay adag tahay helida xaqiiqda saxda ah ee dagaalka, maadaama labada dhinac guulo ay sheeganayaan, xilliga dagaalka uu dhacaayayna ay aheyd saq dhexe.