Kulamo kala duwan oo looga hadlaayo Xaaladda dalka ayaa ka socda xarunta Madaxtooyadda, waxaana waxgarad iyo xubnaha Aqalka Sare ay waddaan dadaallo la doonaayo in lagu soo Afjaro Khilaafka iyo waliba Mooshinka laga keenay Madaxweyne Farmaajo.
Xubnaha Aqalka Sare ee wadda dadaallada ku aadan soo Afjaridda Khilaafka Guddoonka iyo waliba Mooshinka Madaxweyne Farmaajo ayaa lagu soo waramaya in ay ku guuleysdareysteen in ay qanciyaan Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh.
Saacaddihii lasoo dhaafay ayaa waxaa dhacay kulamo kala duwan oo looga hadlaayay Xaaladda kacsan ee ka taagan Madaxtooyadda Soomaaliya.
Waxaa uu sidoo kale faahfaahino laga helaya kulan shalay dhexmaray gudoomiyaha Aqalka Sare iyo Gudoomiyaha golaha Shacabka oo aan wali la shaacin waxyaabihii kasoo baxay.
Guddoomiye Mursal ayaa u sheegay Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi in si xun loola dhaqmay, isagoo si gaar ah Madaxweynaha iyo Guddoomiye kuxigeenada ugu eedeeyay inay ula dhaqmeen qaab aan wanaagsaneyn oo hareermarsan maamuuskii uu lahaa sidda ay xaqiijiyeen xubno ka mid ah Xafiiska Gudoomiyaha Golaha Shacabka.
Wararka ayaa sheegaya in Guddoomiye Mursal uu ku adkeystay in aanu ka tanaasuleyn labo qodob oo kala ah Arrinta Guddiga Maaliyadda iyo Miisaaniyadda oo dib u howlgeliyay inay shaqadooda sii wataan, kaddib markii uu kala diray Guddoomiye kuxigeenka 1aad.
Waxaa uu sidoo kale ku aadkeystay mooshinka laga keenay Madaxweyne Farmaajo in uu yahay mid soo buuxiyay shuruudihii laga rabay.