Arroornimadii hore ee saaka ayaa waxaa weerar ismiidaamin ah oo loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay waxaa lagu qaaday Saldhiga ay Ciidamada millateriga Soomaaliya ku leeyihiin degaanka Bacaadweyn ee Gobolka Mudug.
Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in Gaari nooca loo yaqaano Leyla Calaawi oo walxaha qarxa laga soo buuxiyay ay ciidamadu ku joojiyeen afaafka hore ee saldhiga qeybta 21-aad ka degan yihiin Deegaanka Bacaadweyne,hayeeshee wadaha uu isku dayay in uu si awood ah koontoroolka ku marsiiyo,balse Ciidamad ay ku dhufteen Qori Baasuuke ah sidaasina uu ku qarxay.
Saraakiil ka tirsan Ciidamada qeybta 21aad ayaa waxaa ay sheegene in qaraxaasi ay ku dhinteen saddex ruux oo kala ah wadihii gaariga qaraxa siday iyo laba askari oo ka tirsan Ciidamada ee gaariga joojiyay.
Guddoomiyaha degaanka Bacaadweyn ee Gobolka Mudug Axmed Daahir Macalin ayaa waxaa la xiriirtay Idaacadda Risaala si ay wax uga weeydiiso qaraxaasi,hayeeshee uusan ka jawaabin taleefoonkeena.
Wararkii ugu dambeeyay ee laga helay degmada Bacaadweyn ayaa waxaa ay sheegayaan in xaalada ay haatan tahay mid degan,isla markaana Ciidamada Dowladda ay howlgallo kala duwan ka wadaan Xaafadaha degaankaas.



