Xiisad dagaal oo u dhaxeysa Ciidanka dowladda Soomaaliya ee xoogga kula wareegay Magaalada Matabaan iyo Ciidanka Ahlusunno ayaa ka taagan Xaafado ka mid ah Matabaan sidda ay Risaala u xaqiijiyeen dadka degaanka.
Ciidanka Ahlusunna ayaa maanta laga saaray Magaalada, waxaana hadda ay ku sugan yihiin duleedka Magaalada, waxaana ka mid ah maamulka degmada iyo qaar ka mid ah Saraakiisha Ahlusunna.
Saraakiisha Ciidanka Ahlusunna ayaa shaaciyay in weerar cad lagu soo qaaday oo Ciidanka dowladda dagaal dhimasho dhaawac geystay ay ka geysteen Gudaha degmada Matabaan.
Hoggaanka Ahlusunna ayaa wax War ah kasoo saarin Xaaladda Cakiran ee Magaalada oo laga cabsi qabo in dagaal uu markale ka dhaco.



