Wararkii ugu dambeeyay ee Xaalada Magaalada Qandala

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya  Magaalo xeebeedka Qandala  ee Bari ayaa sheegaya in saaka halkaasi ay gaabiga ku hayaan ciidanka maamulka Puntland , islamarkaana shalay gelinkii dambe ay ka dhaceen duqeymo ay geysteen ciidanka NATO oo habeen hore kusoo dhawaaday Xeebaha Magaalada Qandala ee gobolka Bari.

Mid ka mid dadka Deegaanka oo la hadlay Risaala ayaa sheegay Duqeynta in ay fuliyeen Ciidamada NATO ee ku sugan xeebaha Soomaaliya, gaar ahaan xeebta Magaalada Qandala waxaana la sheegaya bartilmaameedkooda in uu ahaa Daacishta ku sugan Magaalada Qandala.

Ilaa iyo hada si rasmi ah looma xaqiijin karo Duqeynta ay Magaalo xeebeedka Qandala ka fuliyeen Maraakiibtan ay wataan Ciidamada NATO ee ku sugan xeebaha Soomaaliya khasaaraha ka dhashay.

Xaalada Magaalada ayaa saaka kacsan waxaana la sheegaya in qeybo ka mid ah Magaalada ay burburiyeen duqeynta ay geysteen ciidanka NATO.