Wararkii ugu dambeeyay ee magaalada Boosaaso

Boosaaso-RisaalaFM- Wararka inaga soo gaaraya magaalada Boosaaso ayaa waxa ay sheegayaan in saakay xaalada ay tahay mid degan.

Madaxweynaha maamulka Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa shalay waxa uu magaacabay guddi gaar ah oo soo baari doona dhacdadii uu ku dhaawacmay Wasiirka Amniga maamulka Puntland.

Dhaawaca Wasiirka Amniga Puntland Cabdi Xirsi Qarjab ayaa ah mid fudud, waxaana uu si caadi ah u jooga magaalada Boosaaso.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Maxkamadda ciidamada Q.S ay qaado Kiiska la xariira dhacdadan.

Madaxweynaha maamulka Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas ayay suuragal tahay in uu talaabo ka qaado Taliyaashii hogaaminayey ciidamaddan.