Wararkii ugu dambeeyey ee naga soo gaaraya dalalka Gariiga, Talyaaniga iyo Masar ayaa xaqiijinaya in ilaa hadda la xaqiijiyey dhimashada in ka badan 270 qof oo Soomaali ah, kuwaas oo ahaa dhalinyarro Jaamacaddo dhiganayey iyo kuwa Tahriib u tagay dalka Masar, oo ka baxay Xeebaha Masar doon-na kula dagtay biyaha u dhaxeeya Masar iyo Talyaaniga.
Maraakiibta badbaadada ee Wadamada Gariiga iyo Talyaaniga oo ilaa shalay waday samatabixinta ciddii nool ee la helo ayaa la sheegay in aysan ilaa hadda ku guuleysan helida cid nool, maadaama xiliga doontan ay dagtay ay ahayd subaxnimadii 12-kii bishan.
Mid kamid ah dadkii badbaaday oo la hadlay warbaahinta caalamiga ah, isagoo jooga dalka Greece-ka ayaa sheegay in ay ka baxeen biyaha Masar 7-dii bishan oo Khamiis ahayd, ayna doonto dagtay 12-kii bishan markii ay shan maalmood badda ku jireen.
Wasaaradda Dib u dajinta ee dalka Talyaaniga ayaa sheegtay in ay heshay meydad cusub oo laga helay aaggii uu shilkan ka dhacay, waxaana meydadkaas hadda la xaqiijiyey in la geyn doono Jasiiradaha dalkaas.
Muuqaalo lagu baahiyey Barashada bulshadu ku xariirto ayaa muujinaya magacyada gabdho badan oo Soomaaliyeed, kuwaas oo kamid ahaa dadkii saarnaa doontan, waxaana dhimashadoodaba xaqiijiyey Wiilka Soomaaliga ah ee la badbaadiyey.
Cawaale Sanboolshe oo ah wiilka Soomaaliga ah ee la badbaadiyey waxa uu sheegay in isagoo dabaalanaya la badbaadiyey, isagoo tilmaamayin uu arkayey dhimashada in ka badan 130 saaxiibadiis ah.
Waxa uu sheegay in uu qaarkood isku dayey in uu gargaar u fidiyo laakiin aysan u suuragali karin, gaar ahaana wuxuu sheegay in uu arkayey gabdho badan oo badda ku dhimanaya.
Maanta oo kale sannadkii hore ayay ahayd markii halmar ay dhinteen 800 oo qof kuwaas oo ka soo jeeday Soomaaliya, Itoobiya, Kenya, Liibiya iyo Suudaan, ayagoo ka cararayey wadamadooda, una socday Yurub markii ay doonidii kula dagtay meel u dhaw biyaha dalka Liibiya oo ay ka baxeen.


