Wararkii ugu dambeeyay ee dagaal dhexmaray Ciidamada ATMIS & Al-Shabaab

Wararka naga soo gaaraya degmada Buulo-Mareer ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa ay sheegayana in halkaasi uu ka dhacay dagaal u dhaxeeyay Ciidamada Uganda eek amid ah howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS iyo Xubno katirsan Al-Shabaab.

Dagaalka ayaa waxaa goobjoogayaal sheegeen in uu ka dambeeyay kadib markii Al-Shabaab ay weerareen saldhiga Ciidamada Uganda ee degmada Buulo-Mareer, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal socday ku dhawaad saacad.

Waxaa jira khasaaro kala duwan oo ka dhashay dagaalka, kaas oo labada dhinac soo kala gaaray, balse aan weli la xaqiijin khasaaro dagaalka kasoo gaaray dad rayid ah.

Intii uu dagaalka socday ayaa waxaa la sheegay in Ciidamada Uganda ee kamid ah howlgalka ATMIS ay ridayeen tiro madaafiic ah oo ay uga qeyb qadanayeen dagaalka, kuwaas oo ku dhacayay daafaha Magaalada.

Saraakiil katirsan laamaha Amniga degmada Buulo-Mareer ayaa Warbaahinta u sheegay in Ciidamada ATMIS ay iska difaaceen weerarkii kaga yimid dhinaca Ururka Al-Shabaab, isla markaana weli ay ku sugan yihiin Saldhigyadooda degmada Buulo-Mareer.

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya degmada Buulo-Mareer ayaa sheegaya in xaaladu ay tahay mid degan, isla markaana isku socodka Dadka, Gaadiidka iyo Ganacsiga ay si caadi ah u Shaqeeynayaan.

Bishii May ee sanadkan ayay aheyd markii Al-Shabaab ay weerar qaraxyo ku billaawday ay ku qaadeen saldhigyada Ciidamada ATMIS ee degmada Buulo-Mareer, taa soo keentay in Askar badan oo u dhashay dalka Uganda lagu dilo, sidoo kalena ay Al-Shabaab la wareegaan degmadaas wallow markii dambe ay isaga baxeen.