Wararkii ugu dambeeyay ee Dacwadda Muranka Badda

Holland-RisaalaFM- Dhageysiga Muranka Badda ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya ayaa weli waxa uu ka socdaa Maxkamadda Cadaaladda ICJ ee Magaalada Huage ee Dalka Holland, iyadoo shalay markii Labaad la dhageystay Dowladda Kenay oo ku doodeysa in ay leedahay qeyb ka mi d ah Badda Soomaaliya.

Kenya waxa ay is hortaagtay oo ay wali ku doodeysaa in Dacwadda aysan qaadin Maxkamadda Cadaaladda ICJ, taas badalkeedana ay arrintaan kawada hadlaan Soomaaliya iyo Kenya.

Dr.Axmed Cali Daahir, xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka Soomaaliya ayaa warbaahinta u sheegay in Soomaaliya waddo xaq ah ay ku taagan tahay xaqna ay kusoo dhamaan doonto Dacwadaasi.

Maanta oo Khamiis ah ayaa fasax la galayaa, waxaana Maxkamadda dib la isugu soo laaban doonaa Jimcaha, si loo dhageysto doodda Soomaaliya.

Dadka Soomaaliyeed ee ku nool Dalka Holland ayaa lagu soo waramayaa in ay abaabulayaan in ay ku dibad baxaan afaafka hore ee Maxkamada si tanaasul aan loogu samayn badda Soomaaliya.