Wararkii ugu dambeeyay dagaalkii dhex-maray Ciidamada liyuu Boolis & Al-Shabaab

Waxaa Maanta xaalad deganaansho ah oo aan caka buuran ku taagneyn laga dareemayaa xaaladda degaannadii dagaalada ay ku dhemareen Ciidamada liyuu Boolis ee dowlad degaanka Soomaalida iyo Al-Shabaab.

Muddo Afar Maalin ah ayuu socday dagaalka, waxaana laamaha Amniga dowlad degaanka ay sheegeen inay soo afjareen weerarkii kaga yimid Ururka Al-Shabaab, isla markaana ua dileen in ka badan 100 Xubnood.

Xubnaha katirsan Al-Shabaab ee  gudaha u galay dhulka Dowlad Deegaanka ayaanan ilaa haatan la ogeyn halka ay ku wajahnaayeen iyo u Jeeddadooda rasmiga ah, hayeeshee la sheegay inay weli ku sugan meel kamid ah degaanka.

dagaalkii mudada Afarta Maalin ah dhexmarayay Ciidamada dowlad degaanka iyo Al-Shabaab ayaa waxaa ka dhashay khasaaro dimasho iyo dhaawac ah oo kala gaaray labada dhinac iyo dad rayid ah wallow khasaaraha rasmiga ah ee Shacabka aysan ka hadlin Madaxda Maamulka dowlad degaanka Soomaalida.

Al-Shabaab dhankooda waxaa ay sheegteen in weerarkii ay ku qaadeen dhulka dowlad degaanka Soomalida ay kudileen Ciidamo farabadn oo liyuu Boolis ah, sidoo kalena degaano badan ay kula wareegeen.

Sikastaba Maamulka dowlad degaanka Soomaalida oo uu hoggaaminayo Madaxweyne Mustafe Cagjar ayaa Ciidamo farabadan oo liyuu Boolis ah kusoo daad gureeyay degaannada lagu dagaalamay, kuwaas oo iska difaacaya weerarkii kaga yimid dhinac Al-Shabaab.