Wararkii ugu dambeeyay Dagaalka ka socda Gaalkacyo

Gaalkacyo-RisaalaFM- Wararkii ugu dambeeyay ee inaga soo gaaraya Magaalada gaalkacyo ee Gobolka Mudug ayaa waxa ay sheegayaan weli in uu socdo Dagaalkii u dhaxeeyay Ciidamada Puntland iyo Galmudug.

Dagaalka ayaa la sheegay in uu sii xoogeystay oo labada dhinac ay isku adeegsanayaan Hubka nuucyadiisa kala duwan, sida ay Risaala u sheegeen Dad Goobjoogayaal ah.

Dagaalka ayaa la sheegay in uu geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, oo soo kala gaaray labada dhinac iyo sidoo kale dad shacab ah.

Wada hadaladii u dhaxeeyay Waxgaradka Maamulada Puntland iyo Galmudug ayaa burburay, maadaama Dagaalkooda markale uu ka Qarxay Magaalada Gaalkacyo.

Maamulka Puntland ayaa dhowaan ku dhawaaqay in ay la dagaalamayaan Dagaalyahanada Shabaab iyo Galmudug oo ay sheegeen in ay ku soo duuleen Deegaanadooda.