Mudug-RisaalaFM- Dagaal culus oo u dhaxeeyay Ciidamada maamulada Puntland iyo Galmudug ayaa maanta waxa uu ka dhacay degaanada Gacmafuule, Cali Waal iyo Godad oo dhammaantood dhaca Bariga Gobolka Mudug.
Dagaalkan oo soo bilowday aroornimadii hore ee saakay ayaa waxa ay labada dhinac isku adeegsadeen hubka nuucyadiisa kala duwan, maadaama intii uu dagaalka socday ay soo gaarayeen gurmadyo kala duwan.
Wariyaha Risaala ee Gobolka Mudug ayaa wuxuu soo sheegayaa dagaalka in hada uu u muuqdo mid joogsaday, balse weli ay is hor fadhiyaan dhinacyadii dagaalamay, mar walbana la filan karo dagaal kale.
Khasaaraha dagaalkan ka dhashay ayaa waxa uu yahay in ay ku dhinteen 15 qof, halka sidoo kale ay dhaawacmeen in ka badan 20 qof oo u badan dhinacyadii dagaalamay.
Duqa magaalada Gaalkacyo Yuusuf Xirsi Bare ee dhanka Galmudug oo la hadlay Idaacadda Risaala ayaa wuxuu ku baaqay in la joojiyo dagaalka Bariga Gobolka Mudug, wuxuuna sheegay ka maamul ahaan in ay wax ka qaban doonaan colaadahan.
Dhanka kale dhalinyarada labada dhinac ayaa dhankooda sheegay dagaaladan soo laa laabtay muhiim in ay tahay xal in loo helo, maadaama dagaal uusan ku dhalan wiil, balse uu ku dhinto.
Dagaalka maanta ayaa ka duwan dagaalada soo noq noqday ee labada dhinac billihii ugu dambeeyay ku dhex maraayay Gobolkaasi Mudug, maadaama maanta keliya ay barakac sameeyeen dad aad u badan.
Dadka reer Gaalkacyo, ayaa walaac ka muujinaya dagaalka culus ee Maamulada Galmudug iyo Puntland ku dhexmara Bariga Gobolka Mudug, waxayna dadku ka baqdin qabaan in dagaal uu ka qarxo magaalada.


