Waxaa go’day Buundada Degmada Buurdhuubo ee Gobolka Gedo, ka gadaal roobab ka da’ay Gobolka iyo biyihii Webiga Jubba oo halakeeyay Buundadaasi.
Daadadka ka dhashay roobabka xoogan ee ka da’aya Gobolka Gedo iyo fatahaadda uu sameynayo Webiga Jubba ayaa Degmada Buurdhuubo ka dhigtay mid ay xaaladdeeda aad u cakiran tahay.
Daadadka iyo fatahaadaha ayaa si weyn u saameeyay xaafadaha degmada, iyadoona dadku ay maalmihii ugu dambeysay isaga barakacayeen degmadaasi.
Qaar kamid ah dalagyadii Beeraha ayaa go’ay taas oo xaalada degmada Buurdhuubo ka dhigtay mid qatar ah, isla markaana weli aysan wax gurmad ah ka helin dowladda Soomaaliya iyo Maamulka Jubbaland.
Dhawaan ayay aheyd markii ay go’day Buundada degmada Baardheere ee Gobolka Gedo, taas oo muhiim u aheyd isku socodka dadka iyo Gaadiidka degmadaas, kadib fataahada iyo Daadadka ka dhashay Roobka ka da’ay degmadaasi Baardheere