Warar ku saabsan Marko

Marko-RisaalaFM- Waxaa degan xaalada magaalada Marka ee gobolka Shabeellaha Hoose, kadib markii shalay halkaasi ay la wareegeen ciidanka xoogga dalka oo uu hoggaaminayay Abaanduulihii hore ee ciidanka xoogga Gen. Cabdullaahi Cali Caanood.

Xalay waxaa magaalada kulan ku yeeshay Gen. Caanood iyo masuuliyiin ka tirsan maamulka degmada Marko, waxayna ka wada hadleen xasilinta magaalada Marko.

Ciidamada ayaa saakay hawlgal baaris waxa ay ka bilaabeen xaafadaha magaalada Marko, halkaasi oo la aamisan yahay inay ku dhuumaaleysanayaan xubno ka tirsan Ururka Al Shabaab.

Gudoomiyaha gobolka Shabeellaha Hoose Maxamed Ibraahim oo la hadlay Idaacadda Risaala ee magaalada Muqdisho ayaa wuxuu sheegay hawlgalkan ujeedkiisa inuu yahay sidii Shabaab looga saari lahaa degaanada ay kaga sugan yihiin gobolka Shabeellaha Hoose.

“Hawlgalkan wuxuu yahay mid cadowga looga saarayo gobolka, hadii nabad diidka degmo lagala wareegay waa horumar la gaaray, shacabka waxaan ka dulqaadeynaa nimanka gumeysanaya, waxaan ka codsaneynaa inay la shaqeeyaan ciidamada ammaanka, si looga guuleyso Al Shabaab”. Ayuu yiri Guddoomiyaha Shabeellaha Hoose.

Hawlgalkan ay wadaan ciidanka xoogga dalka ayaa waxaa qeyb ka ah ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM, taasi ayaana suuragelisay in ciidamada ay la wareegaan degaano hor leh.