Warar ku saabsan Hubkii lagu qabtay kismaayo

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Markab siday hub oo lagu qabtay magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee maamulka Jubbaland .

Wasiirka Amniga Maamulka Cabdirashiid Xasan Nuur ayaa sheegay in ciidamada maamulka Jubbaland ay gacanta ku hayaan hubkii Saarnaa Markabka lagu qabtay Kismaayo , islamarkaana ay wadaan baaritaano.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in dhawaan ay shaacin doonaan cida uu u waday hubka Markabkaasi.

Waxaa uu sidoo kale tilmaamay in jubbaland aysan ogoleyn in hub sharci daro ah laga soo dejiyo Kismaayo.