Warar ku saabsan Goof-gaduud

Goof-gaduud-RisaalaFM- Wararka inaga soo gaaraya Deegaanka Goof-gaduud ee Gobolka Baay ayaa waxa ay sheegayaan Shabaabkii la wareegay Deegaankaasi in ay dib uga baxeen.

Ka bixitaanka Shabaab ee Deegaanka Goof-gaduud ayaa waxa ay keentay in ay dib ula wareegaan Deegaankaasi Ciidamo ka tirsan Koonfur Galbeed iyo kuwa Dowladda.

Deegaanka Goof Gaduud ayaa ku dhow Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, waxaana uu u jiraa magaaladaasi 30-KM.

Xaalada Deegaanka Goof-gaduud ayaa caawa ah mid degan, waxaana Dadka Deegaanka ay muujinayaan cabsi badan, taas oo ku aadan in Labada dhinac ay halkaasi ku dagaalamaan.

Todobaadkii hore  ayaa Al-Shabaab waxa ay la wareegeen degmada Tiyeeglow ee gobolka Bakool, ka dib markii ay ka baxeen Ciidanka dowladda Soomaaliya iyo sidoo kale kuwa Itoobiya.