DHAGEYSO: Warar ku saabsan Ololaha Doorashada Soomaaliland

Hargeysa-RisaalaFM- Shacabka ku dhaqan Soomaaliland ayaa waxa ay isku diyaarinayaan markii Saddexaad Doorashada Madaxweynanimo ee Soomaaliland, markii labaad ayaa lagu wadaa in degaanada Soomaaliland ay ka dhacdo Doorasho qof iyo cod ah.

Doorashada Madaxtinimo ee Soomaaliland waxaa sanadkan ku tartamaya Musharaxiinta kala ah Faysal Cali Waraabe, Guddoomiyaha Xisbiga Cadaaladda iyo Daryeelka UCID, Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Maamulka Soomaaliland C/raxmaan C/laahi Cirro oo u taagan xisbiga Wadani iyo Muuse Biixi Cabdi oo xilal kala duwan ka soo qabtay Xukuumadihii Soomaaliland ee kala duwanaa, una taagan xisbiga Kulmiye ee talada haya.

Maanta ayaa lagu in la soo xiro ololaha Doorashada Soomaaliland oo lagu soo qatimi doono xisbiga Wadani, sida Guddiga Kumiishanka Doorashooyinka ay horey u shaaciyeen, 06:00 Maqribnimo ee caawa ayay ku egtahay Ololaha Doorashada.

Wadooyinka waa weyn ee magaalada Hargeysa waxaa is dhaaf dhaafaya Taagerayaasha xisbiga Wadani oo ku dhawaaqaya ereyo ay ku taageerayaan xisbiga ay taageersan yihiin.

Maalinta Isniinta oo Saddex iyo Tobanka bishan ay ku beegan tahay ayaa lagu wadaa in Magaalada Hargeysa ay ka bilaabato Doorashada Madaxweynaha Maamulka Soomaalland.

Wariyaheena C/raxiin Xuseen Caylaawe oo howlo shaqo u jooga magaalada Hargeysa ayaa warbixintan inoo soo diray.