Warar ku saabsan Dagaalka ka dhacay Gaalkacyo

Gaalkacyo-RisaalaFM- Magaalada Gaalkacyo maanta waxaa ka dhacay Dagaal xoogan, kaas oo u dhaxeeyay Ciidamo ka kala tirsan Maamulada Puntland iyo Galmudug.

Dagaalkan ayaa yimid kadib markii Aroortii hore ee saakay Galbeedka Magaalada Gaalkacyo laga maqlay Rasaas goos goos ah, taas oo markii dambe isku bedeshay Dagaal toos ah, oo labada dhinac ay isku adeegsadaan Hubka nuucyadiisa kala duwan.

Dadka Deegaanka ayaa Risaala u sheegay in Dagaalka Labada dhinac ay isku aeegsadeen Hub culus, oo xaafadaha qaar ee Magaalada ay ku soo dhaceen Madaafiic.

Wariyaha Risaala ee Magaalada Gaalkacyo ayaa soo sheegaya in Dagaalka uu geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, inkastoo aan la xaqiijin karin tirada rasmiga ah.

Wada hadalo la doonayey in xal looga gaaro arrimaha Magaalada Gaalkacyo ayaa fashil ku soo dhamaaday, waxaana ilaa xalay cabsi laga qabay Dagaal qarxa.