DANNY WELBECK ayaa laga yaabaa inuu seego kulanka isreebreebka Koobka Adduunka xulkiisa England isbuuca soo socda ciyaari doonaan ka dib dhaawac kasoo gaaray muruqa.
Weeraryahanka Arsenal ayaa dhaawacmay kulankii kooxdiisa barbaraha goolal la’aanta kula gashay Stamford Bridge kooxda Chelsea.
26 jirkaan lama filayo inuu taam noqdo ka hor ciyaaraha heerka caalami, iyadoo laga yaabo inuu garoomada ka maqnaado muddo bil ah.
Dhibaatada Welbeck ayaa dharbaaxo ku ah tababaraha xulka England Gareth Southgate oo xulkiisa shan dhibcood oo nadiif ah ku hayaan hogaanka group F.
England ayaa la ciyaari doonta kulamada ka harsan Group F xulalka Slovenia iyo Lithuania.
Sidookale Welbeck ayaa seegi doona kulanka League Cup oo ay kooxdiisa Arsenal ku wajaheyso Doncaster, iyo sidoo kale ciyaarta Premier League ee West Brom.



