Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar ka dhacay deegaanka Cabdalla Biroole oo qiyaastii 60 -km u jira magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.
Weerarkaan oo dhacay shalay ayaa wararka waxa ay sheegayaan in la beegsaday Saldhig ciidamada Shabaabka ay ku lahaayeen deegaanka Cabdala Biroole ee duleedka Kismaayo.
Warbaahinta dowladda oo soo xiganaysa saraakiil ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in dagaalkaasi lagu dilay rag ka tirsan Shabaab, Waxayna tirada dadka la dilay ay ku sheegtay 3 qof.
Dhanka kale war lagu daabacay warbaahinta Al-Shabaab ayaa looga hadlay dagaalka ka dhacay deegaanka Cabdalla Biroole ee duleedka magaalada Kismaayo.
Al-Shabaab ayaa sheegay ay in jidka u galeen ciidamo ka tirsan dowladda Kenya iyo sidoo kale ciidamo Mareykan ah , islamarkaana ay la galeen dagaal xooggan.
Ilo Madax banaan ayaa Risaala u xaqiiyay in Iska hor imaadka dhexmaray ciidamada Shabaabka iyo ciidamada dowladda uu ka dhashay khasaaro kala duwan oo soo kala gaaray labada dhinac.
Maamulka Jubbaland wali faahfaahin kama bixin weerarka ka dhacay duleedka magaalada Kismaayo.
Ciidanka dowladda Soomaaliya ayaa maalmihii lasoo dhaafay howlgallo qorsheysan waxay ka fuliyeen deegaano iyo degmooyin ka tirsan dalka Soomaaliya.


