Musharax Cabdulaahi Cali Axmed oo loo yaqaan Cadow Cali Gees ayaa beeniyay wararka sheegaya in uu ka tanaasulay Musharaxnimadiisa.
War ka soo baxay Xafiiska Ololaha Doorashadda ee Murashax Madaxweyne Caddow Cali Gees ayaa si kulul loogu beeniyay in uu ka tanaasulay xilka Madaxweynaha.
Waxaa lagu sheegay War Saxafadeedka in uu mudan yahay in uu noqdo Madaxweynaha Soomaaliya ,islamarkaana uu u taagan yahay tartanka u dhaxeeya Musharaxiinta xilka Madaxweynaha.




