WAR DEG DEG AH:- Dil ka dhacay Waaberi

Muqdisho-RisaalaFM- Wararka inaga soo gaaraya Degmada Waaberi ee Gobolka Banaadir gaar ahaan xaafada Buurdheere ayaa waxa ay sheegayan in goor dhow halkaasi lagu dilay Askari ka tirsan Ciidanka Dowladda Federaalka, sida ay inoo sheegeen Dadka Degaanka.

Kooxo ku hubeysan Bastoolaado ayaa dilka u geystay Askarigan ka tirsan Ciidanka Booliska, qeybta sare ee jirkiisa ayay ka toogteen, kadibna goobta ayay ka baxsadeen.

Dadka Degaanka ayaa Risaala u sheegay xilliga la dilayay Askariga in uu fadhiyay Geed ku yaallay goobta lagu dilay, waxaana magaciisa lagu soo gaabiyay Cadow.

Ciidanka ammaanka Dowladda Federaalka ayaa dilka kadib waxa ay gaareen goobta uu dilka ka dhacay, waxaana ay halkaasi ka qaadeen Meydka, sidoo kale Ciidanka ayaa wada baaritaano dheeraad ah.