Waqti dheeraad ah oo lagu daray Soo xulista Wasiirada Maamulka Hirshabeelle

Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Cali Cabdulaahi Cosoble ayaa loo kordhiyay Waqtiga uu kusoo xulaayo wasiirada cusub ee maamulka Hirshabeelle.

Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Hirshabeelle oo maanta kulan ku yeeshay Magaalada Jowhar ayaa labo bilood ugu daray Madaxweynaha Hirshabeelle Waqtiga uu kusoo dhisayo Wasiirada.

Mudanayaasha Baarlamaanka ayaa sidoo kale Madaxweynaha ka codsaday in uusan la dhaafin labadaasi bilood soo xulista Wasiirada.

Madaxweynaha Maamul goboleedka Hirshabeelle ayaa  ku guuleystey doorashada madaxweynaha Hirshabeelle 17kii Oktoobar 2016 isagoo la caleemasaaray 22kii Oktoobar 2016.