Gudoomiyaha Baarlamaanka maamulka Hirshabeelle Cusmaan Maxamed Barre ayaa shaaciyay in Madaxweynaha cusub ee Hirshabeelle la caleemo saari doono 27 Bishaan.
27-da Bishaan ayaa ku beegan Khamiista soo socota teeda kale,waxaana uu sheegay Gudoomiyaha Baarlamaanka maamulka Hirshabeelle in Mas’uuliyiin ay kasoo qeyb gali doonaan Caleemasaarka.
Doorashadii Madaxweynaha Hirshabeelle way soo dhamaatay, waxaana Madaxweynaha Hirshabeelle Noqday Maxamed Cabdi Waare.
Guddiga doorashada ayaa sheegay in Waare uu helay 74 cod ,halka Daahir Cabdulle Cawaale uu helay 23 cod, waxaana codeeyay 97 Xildhibaan.



