Maxkamadda gobolka Maroodijeex ee Magalada Hargeysa ayaa Maanta waxaa markale la horkeenay Markii Afaraad Wariye Cabdi Maalik Muuse Coldoon oo dhowr Bilood Xabsiga ku jira.
Wariye Coldoon ayaa dhawaan Xeer ilaalinta Soomalailand waxaa ay ku eedeysay in uu ku kacay falal ka hor-imaanaya qaranimada Soomaliland iyo in uu Dugsiga Abaarso ku tilmaamay mid lagu barto waxyaabo ka baxsan Diinta Islaamka.
Garsooraha Maxkamadda gobolka Maroodijeex ee Magalada Hargeysa (Cabdisalaan) ayaa maanta markii uu dhamaadey fadhiga dacwada waxaa uu Wariye Coldoon waydiiyay waxyaabaha uu ka codsanayo maxkamadda.
Hayeeshee Wariye Coldoon ayaa dalbaday in la siidaayo oo uu xurriyadiisa dib u helo si la mid ah Abwaan Cabdiraxmaan Abees oo dhawaan loo xiray eedeyn ah in uu wax ka sheegay Ciidamada Booliska Soomaaliland.
Ugu dambeyn Garsooraha Maxkamadda gobolka Maroodijeex ee Magalada Hargeysa ayaa sheegay in markale dib la isugu soo laaban doono,isla markaana Go’aan laga gaari doono 8 Bishan July Dacwada loo heysto Wariye Cbdi Maalik Coldoon.



