Waqti dheeraad ah oo lagu kordhiyay Baarista Cabdi Maxamuud Cumar

Maanta oo Jimco ah ayaa lagu waday in Maxkamad lasoo taago Madaxweynihii hore ee dowlad degaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya, kaasoo loo heysto dacwado kala duwan.

Xeer Ilaalinta Itoobiya ayaa maanta la siiyay muddo dheeraad ah oo ay ku soo baaraan dacwadaha loo haysto Cabdi Maxamuud Cumar.

Xeerilaalinta ayaa horay u dalbaday 10 Beri oo maanta ku egeyd laakiin maanta ayay Markale ay Codsadeen in la siiyo Waqti dheeraad ah si ay si wanaagsan ugu baaraan Cabdi Maxamed Cumar.

Cabdi Maxamuud Cumar ayaa hadda ku xiran xabsi ku yaalla magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, waxaana xusid mudan in ehelkiisa ay sheegeen in xaalad Caafimaad daro ay soo wajahday.

Waxaa loo heystaa intii uu ahaa Madaxweynaha dowlad degaanka in uu geystay xadgudubyo ballaaran oo ay ka mid yihiin dilal, Barakicin iyo ku takrifal Awoodeed.