Wakiilka QM ee Somalia oo gaaray Kismaayo & kulamo ka socda

Magalada Kismaayo ee Gobolka Jubabda Hoose waxaa gaaray wafdi uu hoggaaminayo Wakiilka Wakiilka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey ee arrimaha Soomaaliya Amb. James Swan.

Wafdiga ayaa waxa u jeedada ay Kismaayo u tageen ka mid ah qiimeynta habka ay u socoto doorashada Jubbaland  oo wlaac badan ay ka muujiyeen Odayaasha Dhaqanka Jubaland iyo Musharixiinta Madaxweynaha qaar.

Wararka ayaa waxaa ay sheegayaan in Garoonka Diyaaradaha Magalada Kisamayo uu haatan ka socdo kulan u dhaxeeya qaar ka mid ah Odayaasha Dhaqanka Jubbaland Amb. James Swan,kulankaas oo looga hadlayo arrimaha doorashooyinka.

Wakiilka Wakiilka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey ee arrimaha Soomaaliya ayaa sidoo kale Saacadaha soo socda waxaa la filayaa in uu kulamo kala duwan la qaato Musharixiinta Mucaaradka ee dhaliilsan Axmed Madoobe & Madaxda Sare ee Maamulka Jubbaland.