Waxaa goordhow Magaalada Gaalkacyo gaaray ergayga gaarka ah xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Nicholas Haysom iyo wafdi uu Hogaaminayo.
Xarunta Madaxtooyada ayaa wafdiga waxaa ku soo dhaweyay Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle iyo Madaxa Xukuumada Galmudug Sheikh Maxamed Shaakir .
Soo dhaweyn iyo isbarasho kadib ayaa wafdiga soo gaaray Gaalkacyo iyo Madaxda Galmudug waxaa u bilowday shir albaabada u xiran yahay islamarkaana Saxaafada ay dibada ka joogto.
Wafdiga Qaramada Midoobey ayaa hadda kulan la leh Mas’uuliyinta Galmudug.



