Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose waxaa Maanta gaaray wafdi uu hoggaaminayo Wakiilka gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya danjire Francisco Madeira, iyada oo sidweyn halkaasi loogu soo dhaweeyay.
Wafdiga waxaa garoonka diyaaradaha Sayid Maxamed Cabdulle Xasan ku soo dhaweeyey Wasiirka Wasaaradda Amniga Jubbaland Gen Yuusuf Xuseen Cismaan (Dhuumaal) iyo Saraakiil kale oo ka tirsan Ciidamada Maamulka Jubbaland.
Wakiilka gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya danjire Francisco Madeira ayaa waxaa uu la kulmi doonaa Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, isaga kala hadli doono wadashaqeynya Ciidamada AMISOM ee Maamulka Jubbaland iyo Arrimo kale.
Sidoo kale waxaa uu booqan doonaa Saraakiisha Ciidamada AMISOM ee ku sugan Magaalada Kismaayo, isaga oo saraakiisha Ciidamada kala hadli doona howlgallada ka dhanka ah Ururka Al-Shabaab oo Ciidamada AMISOM ka fulinayaan degaannada Jubbaland.
Magaalada Kismaayo iyo degaano kale oo ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa ku sugan Ciidamo ka tirsan kuwa Kenya & Itoobiya, kuwaas oo ku howlgalla Magaca AMISOM, kuwaas oo kujira xerooyin gaar ah, balse aysan jirin wax howlgallo ah oo ay fuliyaan.




