Wakiil Jorge Mendes oo ka shaqeynayo sidii Milan looga iibin lahaa dad bad baadin karo

Kooxda AC Milan kaalinta 11-aad ayay kaga jirtaa kala sareynta Serie A-da Talyaaniga sidoo kalena kooxda xaalka ku xun yahay mustaqbalkeeda banaanka garoonka ma wanaagsano.

Milkiilaha Milan Mr. Li ayaa la ogaaday inuu kooxdan lacagaha uu ku iibsadeyn 70% deen tahay lagana rabo lacagtaas inuu mudo 12-bilood ka yar ku bixiyo haatana wax uusan gacanta ku heynin.

Mr. Li waxaa laga rabaa 200-milyan euro ah oo shirkad Mareekanka ah ku leedahay hadii uu bixin waayo AC Milan xaalad culus ayay gali doontaa.

Sidoo kale UEFA wey iska diideen qorshe miisaaniyadeeda Milan 200 milyan euro ah suuqa Yurub suuqa ku qarash gareesay xagaagii dhawaa madaama lacagaha ay wax ku qarash gareesay ku kasbatay hab aan nidaamka dhaqaalaha wanaaga UEFA qaabilsaneyn.

Sidaa darteed wakiil Jorge Mendes ayaa haatan wado dadaalo Milan lagu bad baadinayo asigoo shirkado dhaqaale xoogan heestaan wada hadalo la wado si ay Milan u iibsadaan xaalada halista ahna looga saari lahaa naadigan xaalka ku xun yahay dhan walbo.