Wararka naga soo gaaraya Magaalada Cadaado ee xarunta KMG ah ee maamulka Galmudug ayaa waxa ay kusoo waramayaan in maanta halkaasi ay ku wajan yihiin xubno ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo sidoo kale Beesha Caalamka.
Wafdigaan ayaa lagu waddaa in ay berri ka qeyb galaan doorashada Madaxweynaha Galmudug.
Saddexda Bishaan ayaa Magaalada Cadaado waxaa ka dhaceysa doorashada Madaxweynaha Galmudug.
Shalay ayaa Musharaxiinta u taagan Xilka Madaxweynaha Galmudug waxa ay khudbado u jeediyeen Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug.


