Muqdisho-RisaalaFM- Kullankan ayaa ahaa mid isbarasho ah waxaana wada-qaatay Wafdigii Xildhibaanadda ahaa ee ka socday Dalka Jabuuti iyo Xubno ka tirsan Aqalka Sare ee Dalka iyagoona sidoo kale lagu soo dhaweeyey Magaaladda Muqdisho..
Waxaa Sanataradda Aqalka Sare ee Wafdiga Dowladda Jabuuti la kulmay hoggaaminayey Gudoomiye ku xigeenka Koowaad ee Aqalka Sare iyadoo Dhanka Jamuuriyadda Jabuuti uu hoggaaminayey Gudoomiyaha Baarlamaanka Dalkaas.
Cabdi Axmed Dhuxulow iyo Axmed Xaashi oo ka mid ah Golaha Aqalka Sare ayaa sheegay in Wafdiga ka socda Dowladda Jabuuti si waangsan loo soo dhaweeyey .
“Waxaan si-heer sare ah u soo dhaweynay Wafdiga Xildhibaanadda ah ee nooga yimid Jamuuriyadda aan walaalaha nahay ee Jabuuti kuwaas oo ay inaga dhaxeeyaan wax badan oo dhankasta ah runtii waxaan rabnaa in aad soo dhaweyn intaan kabadan u sameyno”
Xildhibaan C/laahi Bilaad Kixataloor iyo Xildhibaan Cumar Saciid oo inaya ka mid ah Baarlaamka Jabuuti oo sidoo kalena qeyb ka ah Wafdiga Jooga Muqdisho ayaa iyana dhankooda u mahadceliyey Mudanayaasha Aqalka Sare iyo Guud ahaan Dowladda Soomaaliya.
“Waxaan u mahad celineynaa guud ahaan Dowladd Soomaaliya iyo qaabka ay nogu soo dhaweeyeen Magaaladda Muqdisho runtii waxaan aragnay wax badan oo aanan fileyn taasna waxaa ay nasiisay kalsooni badan”
Sidoo kale Wafdiga ayaa qadka Telfoonka kula hadlay Gudoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi C/laahi kaas oo xaalad Caafimad ugu maqan Dalka Turkiga waxaana ay Allah uga baryeen in uu Caafimad siiyo.







