Maanta ayaa waxaa la filayaa in degmada Buulo-Burde ee Gobolka Hiiraan inay tagaan Wafdi u hoggaaminayo Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha dhirta iyo Daaqa Dowlad Goboleedka Hir-shabeelle Xildhibaan Xasan Cali Cabdulle.
Ujeedka wafdiga ee degmada buulo-burde ayaa waxaa lagu sheegay xalinta xiisad kataagan degmada Buulo-burde oo la dhalatay shaqaaqo dhawaan kadhacaday Saldhiga Booliska Degmadaas.
Wafiga waxaa kaloo qeyb ka ah odayaal dhaqameed iyo Waxgarad, iyada oo la filayo inay kulamo kala duwan la qaataan Maamulka degmada iyo Odayaasha & waxgaradka six al looga gaaro xiisadda.
Degmada Buulo-Burde ee Gobolka Hiiraan ayaa maalmihii la soo dhaafay waxaa ka taagan xiisad u dhaxeeysa laamaha amniga degmada iyo maleeshiyaad degaanka ah kaidb markii Xabsiga la dhigay kudhawaad 14 dhalinya ah kuwaas oo lagu eedeyay inay weerareen Saldhiga Booliska degmada Buulo-Burde.



