Wafdi uu hoggaaminayo taliyaha ciidanka dhulka oo gaaray Dhuusamareeb.

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sareeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar (Gen. Khaalid) iyo wafdi saraakiil ah oo uu hoggaaminayo ayaa maanta soo gaaray magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Dowlad Goboleedka Galmudug

 

Taliyaha iyo wafdigiisa ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Ugaas Nuur ee Magaalada Dhuusamareeb ku soo dhaweeyay Taliyaha Qaybta 21-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Gaashaanle Sare Maxamed Cabdi Daahir (Dhagawayne) iyo saraakiil kale

 

Soo dhaweynta kaddib Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS ayaa kulamo gaar-gaar ah la yeeshay saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee ku sugan magaalada Dhuusamareeb

 

Kulamada ayaa diiradda lagu saaray xaaladda guud ee Ciidanka Xoogga Dalka Somaliyeed howlaha ay ka wadaan deegaanada Galmudug iyo arrimaha la xiriira shaqada iyo hawlgalada Ciidanka ee ka dhanka ah kooxaha argagixisada

 

Booqashada Taliyaha ayaa qeyb ka ah kulamada iyo kormeerrada uu la yeelanayo saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee ku sugan qeybaha kala duwan ee dalka