Wafdi uu Hogaaminayo Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray dalka Eratareya

Madaxweynaha Dawlada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoogaaminayo  ayaa maanta ka ambabaxay magaalada Muqdisho, waxana safar shaqo ay ku tageen dalka Eritareya.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa magaalada Asmara kula kulmaya Madaxweynaha dalka Eriteriya mudane Isaias Afwerki sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay Villa Somalia.

Labada Mas’uul  ayaa ka wada hadlaya  xiriirka ka dhexeeya labada dowladood,  khilaafka cusub ee ka dhex Taagan  Soomaaliya iyo Itoobiya iyo xaaladihii ugu dambeeyey ee geeska Afrika.

Waa markii shanad ee Madaxweyne Xassan Shiikh uu booqasho ku tago dalka Eritreya tan iyo markii uu xilka qabtay ku dhowaad 2 sano ka hor.

Eritreya ayaa ka mid ah dowladaha saaxiibka la ah Soomaaliya ee ciidamada u tababara.